Dhageyso: C/raxmaan Ibi “Cumar C/rashiid xilli adag buu Soo maray”

ibiSiyaasiga C/raxmaan Xaaji Aaden (IBI) ayaa waxa uu ka hadlay Xilka loo magacaabay R/wasaaraha Cusub ee Somaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke isagoo ugu hambalyeeyey Xilkaasi loo dhiibay.

C/raxmaan Ibi oo ahaa R/wasaare kuxigeenkii iyo Wasiirkii Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xukuumadii KMG aheyd ee sanadkii 2009 ayaa sheegay in Cumar C/rashiid uu ku yaqaano nin howlkar ah shaqadiisana kasoo bixi karo.

Siyaasiga C/raxmaan Ibi waxa uu ku amaanay R/wasaaraha Cusub ee Somaliya loo magacaabay Shakhsi aan qiimeyn ku sameyn jirin beel ahaan dadka inay kula shaqeeyaan,kana rajeenayo nin kasoo bixi karo xilkaasi loo magacaabay.

C/raxmaan Ibi oo Xukuumadii uu hogaaminayey shan sano ka hor Cumar C/rashiid kasoo noqday Wasiir ayaa sheegaya in hadda ay ufududahay R/wasaaraha Cusub shaqooyinka maadama xilli ka adag uu soo maray.

Si kastaba ha’ahaatee Hadalkaan kasoo baxay Siyaasiga C/raxmaan Xaaji Aden (IBI) ayaa kusoo beegmaya xilli qaar katirsan Siyaasiyiinta ay soo dhaweeyeen magacaabista Cumar C/rashiid halka qaarkoodna ay kasoo horjeesteen.  

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WARBIXIN AY DIYAARISAY SHUKRI MIRE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here