Dhageyso: C/qaasim Salaad Xasan “Alle aan barino Soomaaliyeey”

C-qaasim Salaad XassanMadaxweynihii Hore ee Dawladii TNG-da Cabduqaasim Salaad Xasan ayaa ka hadlay isbadalka ka dhacay Somaliya islamarkaana lagu laalay Xukuumadii uu hogaamin jiray Cabdiweli Shiikh Axmed Maxamed.

Waxa uu C/qaasim Salaad sheegay isagoo jooga dalka Masar Caasimadiisa Qaahira in Soomaalida uu ugu baaqayo in alle ay baryaan si dhibaatada dalka ku habsatay sanadaha badan uga dul qaado.

Waxa uu Dr C/qaasim sheegayaa in mar kasta uu uduceeyo dadka Soomaaliyeed iyo dalka Soomaaliyaba in alle nabad waarto iyo Nolol wanaagsan dadka siiyo.

C/qaasim Salaad Xasan waxa uu tibaaxay inay muhiim tahay gacmaha ay is qabsadaan Shacabka Soomaaliyeed iyo madaxda Dalka hogaamineysa.

Dr C/qaasim ayaa isagu madaxweyne kasoo noqday Dalka Soomaaliya dawladii lagu soo dhisay Magaalada Carta ee Dalka Jabuuti.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WARBIXIN CUSMAAN CABDALLA CUSMAAN INOO DIYAARIYEY

1 COMMENT

  1. waxaa la yiri imaam ka mid ahaa imaamadii muslimiinta oo aan u maleeynaayo inuu ahaa imaam axmad binu xambal ayaa waxoow yiri hadaan qabo duco layga aqbalo waxaan u duceeyn lahaa xaakimka umadda xukuma taasina waxeey ku tuseeysaa sideey muhiim u tahay in oow xaakimku noqdo qof saalax ah si oow cadaalad ugu xukumo shacabkiisa.
    cabdi salaad qaasim waad mahad santahay sida aad qalbiga ugu hayso wadankaada iyo shacabkaada madaxda kalana waxaan illaaheey uga baryeeynaa inuu waafajiyo wadada toosan iyo wax u qabadka shacabkooda.
    waxaan shaki ku jirin hadii shacabkeenu iscafiyo oowna duceeysto in illaaheey barakaadkiisa noo soo dejin lahaa taasina ma rabto waxaan aheeyn qalbi nadiif ah iyo dal iyo dad jaceeyl iyo illaaheey oo laysku xiro,illaaheey shacabkeena haka caafiyo qabyaalada iyo gobaleeysiga hana noo soo celiyo isjeceylkeeni iyo ceeshoow milixii
    shacabkeena caadada u aheed yaa rabbi.

    galab wanaagsan iyo anigoo idin leh
    soomaalidii midoowday saaxirkii baxyoo samaatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here