Dhageyso: Casho sharaf loo sameeyay Xildhibanada kadib tagidii RW Saacid

Munaasabadda casho sharafta uu Gudoomiyaha Baarlamaanka u sameeyey Xildhibaannada Golaha Shacabka oo aheyd mid qaban qaabadeeda si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa waxaa kasoo qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,

Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar,

Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla,intabadan Mudaneyaasha Baarlamaanka,xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo marti sharaf kale.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo Khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa ugu horeyn ku ammaanay Gudoonka Golaha Shacabka sidii quruxda badneyd ee ay fadhiyada Baarlamaanka u hogaamiyeen kulammadii ugu xasaasisanaa ee la xiriiray doodaha mooshinka Kalsooni kala noqoshada Xukuumadda waxaana ay Xildhibaannadu u mahad celiyeen Ra’isulwasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)oo ay ku ammaaneen sida geesinimada leh ee go’aanka Baarlamaaanka uu u aqbalay,sidoo kalena XIldhibaannada waxa ay Madaxweynaha ka codsadeen inuu soo dedejiyo magacaabista Ra’isulwasaaraha cusub ka hor fasaxa Kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanka.

Dhageyso Xildhibanada

Ugu dambeyntii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay soo jeedinta Xildhibaannada ee la xiriirtay in la dedejiyo magacaabista Ra’isulwasaaraha cusub waxaana uu tilmaamay in howsha hortaala aysan yareyn laakiinse uu ku kalsoonyahay in wax waliba ay noqon doonaan kuwo loogu guuleysto sida hada lasoo jeediyey ka hor waqtiga fasaxa Baarlamaanka ama kadib,waxaana uu Alle ka baryey in dhammaanba howlaha horyaala uu ku guuleeyo.

Dhageysato Khudbadda Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha

IMG_9934
IMG_9768
IMG_9788
IMG_1241
IMG_1371
IMG_1356

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here