Dhageyso Cabdi Jiinow oo ka warbixiyay xaaladada Shabeeladda Dhexe

 Guddoomiyaha gobolka shabeelaha dhexe Cabdi Jiinow Calasoow oo maanta ka soo laabtay shir uu uga soo qeyb galay magaalada Doxa ee dalka Qadar kaas oo looga hadlaya hormarinta magaalooyinka wadamada Carabta.

Cabdi Jiinow ayaa sheegay in shirkaas ay kala soo kulmeen rajo wanaagsan oo dib loogu dhisayo magaalooyinka Soomaaliya ayna qeyb ka tahay magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabelaha Dhexe.

Guddoomiyaha oo sidoo kale ka hadlay xaaladda nololeed ee gobalka Shabelaha dhexe ayaa sheegay in ay jirto dhibaatooyin dhinaca caafimaadka ah taas oo ugu horeyso cudurro ka dhashay fatahaadihii uu dhawaan sameeyay wabiga shabeelle isagoo ku baaqay in kaalmo dag dag ah lala gaaro dadka ay mashaqadaasi saameysay.

Dhinaca kale guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray in ay wadaan dadaalo la isugu keenayo bulshada ku nool gobalka shabeelaha Dhexe isagoona tilmamay in hatan ay socoto dariseynta dadka ku nool deegaankaasi.

Dhageyso Warbixinta Guddoomiyaha gobolka sh. dhexe Cabdi Jiinow

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2013/05/gjiinow.mp3″]

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here