Dhageyso: Biyo Yari ka jirto Degmada Maxaas ee G/Hiiraan

afrax

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan ee Dawlada Soomaaliya C/fitaax Xasan Afrax ayaa waxa uu sheegay in Xaalad adag oo dhinaca Nolosha ah ka jirto Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

C/fitaax Xasan Afrax ayaa tibaaxay in dhibaatada ugu weyn ee dadka Maxaas jooga heysato ay tahay Biyo yari waxaana uu sheegay in Mas’uuliyiin katirsan Qaramada Midoobeey ay yimaadeen halkaasi islamarkaana ay soo arkeen biyo yarida ka jirto halkaasi.

Gudoomiye Afrax waxa uu sheegay inay  ubaahan yihiin biyo ay cabaan maadama Haraad ba’an uu ka jiro degmada Maxaas.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan in hadii aan laga soo gaarin dadkaasi biyo yari ay suurta gal tahay in dad badan ugeeriyoodaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here