Dhageyso: Bishii September Yaa ku guuleystay Tababaraha & Laacibka Ugu fiicnaa Horyaalka Ingiriiska?

Tababaraha Kooxda Southampton Ronald Koeman ayaa ku guuleystay Tababarihii ugu fiicnaa Bishii September Horyaalka Dalka Ingiriiska iyadoona maanta oo jimco ah lagu abaal mariyey hadyadaasi.

1

Sidoo kale Weeraryahanka Dalka Talyaaniga iyo Kooxda Southampton Graziano Pelle ayaa isna loo caleemo saaray ama ku guuleystay Xiddigii ugu fiicnaa bishii September Horyaalka Dalka Ingiriiska kaaso bishii hore dhaliyey Goolal naadiga guul u horseeday.

1413536465686_Image_galleryImage_Graziano_Pelle_of_Southam

Ronald Koeman  oo udhashay Dalka Holland ayaa mar uu ka hadlay Abaalmarinta la siiyey Tababaraha Ugu fiicnaa Horyaalka Dalka Ingiriiska Bishii Hore ee September waxa uu ka hormariyey Amaanta uu ujeedinayo Weeraryahankiisa Graziano Pelle oo isna noqday laacibkii ugu fiicnaa Horyaalka Ingiriiska Bishii September waxaana uu ku sheegay Graziano Pelle xiddig wanaagsan.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA TABABARAHA SOUTHAMTON RONALD KOEMAN

TARJUMAADA HADALKA RONALD KOEMAN OO AF SOOMAALI LAGU BADALAY

“Waxaan umaleynayaa in wanaagiisa laga dheehan karay guusha goolkii ugu horseeday xulkiisa talyaaniga.

Isaga ayey guushaasi muhiim utahay khaas ahaan guusha uu horseeday laakiin waa wax wanaagsan oo la qabanayo waxaana urajeyneynaa in fursado kale uu abuuraan si ay usii socoto guusha”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here