Dhageyso: Beel sheegtay “Sida Yuhuudu Falastiin ku Heyso ayaa nalagu hayaa”

micraphone

Kulan ballaaran oo ka dhacay Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya ayaa waxa iskugu yimid qeybaha kala duwan ee Beesha Direed kaas oo looga hadlay Dagaal beeleedka ka dhacayey labadii Sano ee lasoo dhaafay Deegaanada Deefoow iyo Kabxanleey.

Kulankaasi ayaa waxa si gaar ah looga hadlay Booqashadii uu dhawaan ku tagey Madaxweyne Xasan Shiikh Magaalada B/weyne iyagoo ku Eedeeyey madaxweynaha kulan uu la qaatay Beeshii ay dagaalka kala dhaxeysay iyagana uusan la kulmin taasina ay dhaliilayaan.

Caasha Maxamed Xaashi ayaa sheegtay inay ka codsanayaan Waxgaradka uu kasoo jeedo Madaxweynaha inay ka hadlaan bahdilka lagu sameeyey beeshooda iyagoo sheegay inay doonayaan Nabad oo aysan dagaal diyaar u ahayn.

Waxay Sidoo kale u mahad celiyeen Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax kaasi oo ay sheegeen inuu diiday cidan katirsan Dawlada oo dharka iska siibay doonayeyna inay ka qeyb qaataan dagaalkii Deefoow iyo Kabxanleey.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WAREYSIGA LAGA QAADAY CAASHO OO NAIROBI JOOGTA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here