Dhageyso: Bare Hiiraale “Madaxweynaha ma magacaabi karo madaxweyne”

bare hiiraaleDhawaan markii uu tagey madaxweynaha Somaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud Magaalada Kismaayo ayuu sheegay in Axmed Madoobe uu u aqoonsan yahay madaxweynaha Maamulka Jubbaland.

Korneel Barre Aadan Shire (Bare Hiiraale) oo ka mid ah Siyaasiyiinta Gobollada Jubbooyinka ayaa waxa si kulul uga soo horjeestay hadal dhawaan kasoo yeeray Madaxweynaha Dalka Mudane Xasan Shiikh Maxamuud.

Barre Hiiraale oo wareysi siiyey idaacada BBC-da laanteeda Afka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in madaxweynaha uu baal maray dastuurka u yaalla dalka marka loo fiiriyo magacaabida madaxweyne maamul gobolleed dalka ka jira.

Korneel Barre Hiiraale ayaa sheegay in Madaxweyne maamulka gobolleed ay udooran karaan dadka deggan deegaanada isku howlay maamulkaasi inay sameystaan.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WARBIXIN AAN IDIIN DIYAARINAY

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here