Dhageyso: Barakacayaal ku daac dareysan Muqdisho

Xaaladda ay ku sugan yihiin barakacayaasha Muqdisho
Xaaladda ay ku sugan yihiin barakacayaasha Muqdisho

Dawlada Soomaaliya waxaa la oran karaa way ku fashilantay ka warqabka Dadkeeda Dhibaateysan maadama ay dad badan oo Barakacayaal ah ay Muqdisho iyo Duleedkeeda ku dhibaateysan yihiin.

Xeryo ku yaalla Duleedka Magaalada Muqdisho waxa hadda ku jira Qoysas ay soo barakiciyeen Dagaal beeleedyo ka dhacayey deegaanadoodii waxayna xitaa qoysaskaasi qaar ay sheegeen in Carruurtoodii qaar ay kala lumeen.

Aabe ka mid ah Qoysaskaasi Barakac ayaa sheegay in Xaaskiisii uu ku waayey markii uu soo qaxayey raq iyo ruux midna uusan ka war heyn Xaaskii Carruurta udhashay meesha ay ku dambeyso.

Dawlada uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud waxa looga fadhiyaa ka warqabka dadka dhibaatada ku heyso xeryaha barakac ee ku yaalla Gobollada Dalka ka hor inta aysan wax uqaban kuwa Caalamka ku dhibaateysan.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODADKA DADKAASI BARAKACA AH EE DAAC DARADU DILOOTAY

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here