Dhageyso: Banaanbax maanta ka dhacay Muqdisho

banaan-bax-602x250Dadweyne badan ayaa waxay maanta iskugu soo banaanbaxeen Degmada Kaxda ee Magaalada Muqdisho kuwaasi oo ka careysnaa Aflagaadadii loo geystay Nabigeena Muxamed (SCW).

Dadka ku dhaqan Degmada Kaxda ayaa muujiyey shucuurtooda ku aadan sida ay uga xun yihiin Wargeyska Faransiiska ah Sawiradii uu ku Aflagaadeeyey Suubanaheenii Muxamed Bin Cabdullaahi Bin Cabdul Mudalib Bin Haashim Binu Cabdi Manaaf.

Banaanbaxayaasha ayaana waxay fariin ugu direen Dawlada Faransiiska taasi oo ay ka dalbadeen inay joojiso Ficilka foosha xun uu Wargeyska Charlie Hebdo uu faafiyey Sawiradaasi sumcad dilka ku ah Islaamka.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODADKA DADKII BANAANBAXA DHIGAYEY

Waddamada Islaamka ayaa qaarkood waxa ka dhacaya Banaanbaxyo la mid ah kuwa ka dhacay Muqdisho iyadoona looga soo horjeedo Sawiro uu Wargeyska Charlie Hebdo uu ku Aflagaadeeyey Nabi Muxamed (CSW).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here