Dhageyso: Baarlamaanka oo isku Khilaafsan Wasiirada Cusub

kulankii-baarlamaanka-18Tan iyo markii Isbuucaan gudihiisa R/wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke uu ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada Cusub ee ka mid noqonaya Xukuumada ayaa waxa soo baxaya dad siyaabo kala duwan uga hadlaya Wasiiradaasi.

Arinta ugu weyn ee hadal heynta dhalisay waxay tahay dib usoo celinta Wasiirada qaar oo ku jiray Xukuumadii hore ee Cabdiweli Shiikh Hogaaminayey taasi oo dadku sheegayaan in xilligaan laga wanaagsanaa soo celinta Wasiiradaasi oo qaarkoodba ku fashilmay shaqadoodii sida la sheegay.

Kala Aragti duwanaashaha Golaha Wasiirada Cusub waxa uu hadda dhex yaallaa Xildhibaanadii Baarlamaanka ee laga sugayey inay codka kalsoonida uqaadaan Xukuumada lasoo dhigay.

Xildhibaan Cabdullaahi Cusmaan Sugule waxa uu sheegayaa in aysan Codka kalsoonida siin doonin Wasiirada lasoo magacaabay maadama dad hore ufashilmay Xilalka lagu soo celiyey sida uu hadalka u dhigay.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA XILDHIBAAN SUGULE

Dhinaca kale Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa qaba fikrad ka duwan mida Xildhibaan Sugule isagoo sheegay in laga wanaagsan yahay Xildhibaanada shirarka maalmahan ku yeelanaya Muqdisho ee Xukuumada lasoo magacaabay dhaliilsan uguna baaqay in ay joojiyaan dhaliisha ay sameynayaan.

HALKAAN HOOSE K ADHAGEYSO CODKA XILDHIBAAN DAAHIR JEESOOW

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here