Dhageyso: Axmed Faal oo Hadal Kulul U jeediyey Shacabka Jowhar

DSC02683Gudoomiye kuxigeenka dhinaca Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan oo maanta khudbad ka jeedinayey banaanbax ka dhacay degmada Jowhar.

Axmed Faal waxa uu sheegay in marka hore ay taageersan yihiin R/wasaaraha Cusub ee Soomaaliya loo soo magacaabay Cumar C/rashiid Cali Sharma’ake isagoo ka rajeeyey inuu hormarka dadka iyo Dalka ka shaqeeyo.

Gudoomiye Axmed Faal ayaa waxa uu si kulul uga hadlay Shacabka Jowhar dhaqan iyo sida aysan gacmaha isku qabsanin.

Waxa uu sheegay inay ka cabsadaan dadka falalka nabad gelyada kasoo horjeeda taasi uuna ku Eedeeyey inay dadka cabsi awgeed usheegi waayaan.

Axmed Faal waxa uu tibaaxay inay ku amrayaan Xaafad walbo in Laambad leer ah ku xirto gurigooda hortiisa si iftiinka habeenkii bilicda loogu soo celiyo.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO KHUDBADII UU JEEDIYEY MAANTA AXMED FAAL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here