Dhageyso: Axmed Faal “Is faham ayaan la rabnaa Reer Sh/dhexe”

DSC01811Gudoomiye kuxigeenka dhinaca Siyaasada iyo Arimaha Amniga Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan (Axmed Faal) oo shalay soo gaaray Degmada Jowhar ayaa waxa uu durba ka dhawaajiyey in shaqada ugu horeyso uu qabanayo ay tahay isku keenida beelahii ku dagaalamay Gobolka.

Axmed Faal waxa uu sheegay in ay ku dadaali doonaan sidii is faham darida dhex taalla beelaha Walaalaha ah ee ku dhaqan Shabellaha Dhexe ay Heshiis Nabadeed udhex dhigi lahaayeen.

Axmed Meyre Makaraan waxa uu sheegay inay sii dhameystiri doonaan howshii uu qabtay Gudoomiyaha Gobolkaan Sh/dhexe Cali Guudlaawe ayna ka go’an tahay Nabad kuwada noolaansho la dhex dhigo beelaha degga Gobolka.

Axmed Faal oo ahaa gudoomiyihii hore ee Degmada Waaberi Magaalada Muqdisho ayaa loo magacaabay Kuxigeenka dhinaca Siyaasada iyo Amniga Maamulka Gobolka Sh/dhexe.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA AXMED MEYRE MAKARAAN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here