Dhageyso: Amar lasiiyey mas’uuliyiinta Katirsan Dawlada Somaliya

logo-somaliaHanti dhowraha guud ee Qaranka Soomaaliya Dr Nuur Faarax ayaa waxa uu ka hadlay ku takrifal lagu sameeyo hantida qaranka ayna isticmaalaan mas’uuliyiin katirsan Dawlada iyo kuwo hore xilal usoo qabtay.

Dr Faarax waxa uu sheegay in ay amrayaan dadka heysta hantida qaranka gaar ahaan mas’uuliyiintii katirsanaa Xukuumadii dhawaan dhacday inay dib usoo celiyaan hanti ay ka mid yihiin gawaari ay magaca dawlada ku qaateen.

Waxa uu Hanti dhowrka qaranka sheegay inay ugu baaqayaan mas’uuliyiintaasi inta aysan tallaabo qaadin iska soo wareejiyaan hantida ay heystaan.

Sidoo kale waxa uu Dr Faarax sheegayaa inay kula talinayaan madaxda xilalka heysa inaysan si khaldan u fahmin dabagalka iyo isla xisaabtanka lagu hayo.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WARBIXIN UU DIYARIYEY MAXAMED IBRAAHIM JIMCAALE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here