Dhageyso: Al Shabaab oo weeraray Degmada Baraawe

SHABAABkaCiidan katirsan Ururka Al Shabaab ayaa waxay Xalay weerar ku qaadeen Fariisimo ciidanka dawlada Soomaaliya ay ku leeyihiin Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Weerarka waxa la sheegay inuu ka dambeeyey markii Al Shabaab ay hubka garbaha laga tuuro ee RBG-ga ku garaaceen fariisimahaasi kadibna uu dagaal toos ah bilowday.

Dagaalka ayaan la ogaan karin khasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray dhinacyadii dagaalka u dhaxeeyey wakhtiga oo habeen ahaa awgeed iyo meesha lagu dagaalamay oo shacabku banaanka ubixi karin.

Gudoomiye kuxigeenka dhinaca Amaanka degmada Baraawe ahna Kusimaha Gudoomiyaha Degmadaasi Bashiir Maxamed Yuusuf ayaa waxa uu sheegay inay khasaaro xoogan gaarsiiyeeen Ciidanka Ururka Al Shabaab ee dagaalka la galeen.

Warar ka madax banaan dhinaca Dawlada waxay sheegayaan in 5 ruux ay ku dhinteen dagaalkii xalay ka dhacay Baraawe oo iskugu jiray Al Shabaab iyo Askarta Dawlada Soomaaliya.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA GUDOOMIYE BASHIIR MAXAMED YUUSUF

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here