Dhageyso: Al Shabaab oo Ka Hadlay Qaraxii Maanta

shabumuscab131Ururka Al Shabaab ayaa waxay ka hadleen Qarax Ismiidaamin ahaa oo maanta duhurnimadii ka dhacay agagaarka Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Al Shabaab ayaa waxey sheegteen Mas’uuliyada weerarkaasi ayna ku beegsadeen sida ay tilmaameen shir ka socday Hoteelka SYL oo Amaanka looga hadlayey.

Cabdicasiis Abu Muscab ayaa waxa uu warbaahinta Afkooda ku hadasha war looga duubay laguna baahiyey Internet-ka uu sheegay inay kala ceeriyeen Shir Laamaha Amniga Dawlada Soomaaliya iyo Ajaanib ku lahaayeen Hoteelka SYL ee Madaxtooyada ku dhaw halkaasina Saraakiil badan ay ku dileen.

Waxa uu sheegay in meel walbo ay doonayaan ay weerar ku qaadi karaan maadaama Waddooyinkii Xamar iyadoo la xiray ay ciidankooda is qarxinta ay maanta ismiidaamin ka fuliyeen Hoteelkii shirka uu ka socday ayna halkaasi ku kala yaaceen sida uu hadalka u dhigay saraakiishii shirka usocday.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO ABU MUSCAB OO ARIMO AY QARAXII MAANTA KA MID TAHAY KA HADLAYA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here