Dhageyso: Al Shabaab “23 Askari ayaa ku dhintay Keli ay ku dhaceen Sh/Hoose”

Abuu-Cabdalla1-300x225Xarakada Al Shabaab ayaa waxay sheegeen in Go’doon geliyeen Askarta AMISOM ee iyagu kusugan Fariisimo ku yaalla Deegaano katirsan Gobolka Shabellaha Hoose.

Gudoomiyaha Al Shabaab ee Gobolka Sh/Hoose Maxamed Abu Cabdalla ayaa sheegay in mar kasta ay weeraro ka geystaan fariisimaha ciidanka AMISOM iyo Kuwa Dawlada Federaalka Soomaaliya,ayna ku adag tahay inay kasoo baxaan fariisimahooda.

Abu Cabdalla waxa sidoo kale uu ka warbixiyey Gaari ay la socdeen Askar katirsan Ciidanka AMISOM iyo kuwa Dawlada Somaliya ay ku dhaceen Keli ku yaalla Deegaanka Janaale ee Gobolka Sh/Hoose.

Al Shabaab waxay sheegeen in gaarigaasi ay la socdeen 25 Askari oo Dawlada Somaliya ubadnaa 23 ka mid ahna ay dhinteen waa sida ay Al Shabaab gudoomiyahooda Gobolka Sh/Hoose sheegay Maxamed Abu Cabdalla.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA MAXAMED ABU CABDALLA GUDOOMIYAHA SHABAAB EE SH/HOOSE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here