Dhageyso: Ahlusuna oo labo garab ugu kala jabtay Dagaalkii G/gaduud

Ahlusuna-240x250Gudoomiyaha Golaha Talada Ahlusuna Waljamaaca Shiikh Cumar Shiikh Cabduqaadir oo kusugan Deegaanka Xeraale ayaa waxa uu beeniyey Xubno katirsan Ahlusuna inay Guriceel ka baxeen shalay oo ay xeraale gaareen.

Shiikh Cumar ayaa waxa uu sheegay in been abuur tahay wararka la isla dhexmarayey ee ahaa Guriceel Ahlusuna inay ka faaruqday islamarkaana ay Xeraale arimo caadi ah utageen.

Waxa uu Gudoomiye Shiikh Cumar meesha ka saaray wax ciidan dawladeed ah ay kusugan yihiin Magaalooyinka Guriceel iyo Dhuuso mareeb Gobolka G/gaduud.

Shiikh Cumar ayaa cod dheer ku xaqiijiyey in garab ka mid ah Ahlusuna ay dagaalkii dhacay dhawaan ay ka qeyb galeen ayna umideysneyn dagaalkaas ayna ka xun yihiin dagaalada dhiiga ku daatay cambaareyna kasoo saareen.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WARBIXIN AAN IDIIN DIYAARINAY

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here