Dhageyso: Ahlusuna & Mowqifkeeda Shirkii IGAD

AhlusunnaShalay waxa shir hal maalin socday ku yeeshay Magaalada Muqdisho Urur Gobolleedka IGAD Wasiiradeeda Arimaha Dibada waxaana caalamka uu si weyn ugu amaanay Hormarka iyo Nabad gelyada ka jirto Muqdisho.

Xoghayaha Culimada Ahlusuna Waljamaaca ee Gobollada Koonfureed Shiikh Isaaq Xuseen Mursal oo warbaahinta la hadlay isagoo jooga Garbahaareey waxa uu si weyn usoo dhaweeyey Shirkii IGAD ee ka dhacay Muqdisho.

Waxa uu Isxaaq Mursal sheegayaa in hadda ay Muqdisho marti gelin karto shirar kale maadama ififaalo Nabadeed la dareemayo hadiiba ay IGAD Wasiiradeedii Arimaha Dibada shirk u yeesheen Xamar.

Waxa uu Shiikh Isxaaq Xuseen Mursal uu ujeediyey beesha Caalamka inay Muqdisho nabad tahay ayna dawlada kula talinayaa inay sii xoojiso Nabad gelyada si ay ugu soo hirtaan Madaxda Caalamka.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA SHIIKH X– USEEN ISXAAQ MURSAL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here