Dhageyso: Afhayeenka Shabaabka Oo Sheegtay Werarkii ka Dhacay Duleedka Gaarisa

Abu-MuscabAfhayeen ka Shabaabka Sheekh C/Casiis Abu Muscab ayaa Caawa  shir jaraa’id kaga hadlay weerarkii maanta ka dhacay inta u dhexeysa Libooyo iyo magaalada Gaarisa ee dhulka  Kenya.

Sheekh Abu Muscab ayaa sheegay in  khasaare lagu soo gaarsiiyay howlgalkaasi isagoona carrabka ku dhuftay in ku dhawaad 10 Askari oo Kenyaan ah lagu dilay dagaalkii maanta islamarkaana ay dhaawac naqdeen askar intaasi ka badan.

Saraakiil u hadashay dawladda kenya ayaa dhankooda qirtay dhimashada 5 askari sida ay baahisay Jariiradda Daily Nation oo dalka Kenya kasoo baxda,

Wararka ayaa sheegay in maanta duhurkii ayay Shabaab wadada ugaleen kolonyo ciidamo Kenyan ah oo ka tegay dhanka Dhoobley kunasii jeeday gudaha Kenya.

Shirka jaraa’id Ee C/Casiis Abu Muscab Dhageyso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here