Dhageyso: Abuukaato Daahir “Maxkmad Dastuuri ah Dalka haloo Dhiso”

logo-somalia

Xildhibaan Daahir Xasan Cabdi oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka gaar ahaa Gudiga Dastuurka Dalka ayaa waxa uu ka hadlay Xiisada siyaasadeed ee udhaxeysa Madaxweynaha iyo R/wasaaraha Dalka.

Abuukaato Daahir Xasan Cabdi ayaa waxa uu sheegay inay muhiim tahay ku dhaqanka Dastuurka qodobada ku jira hadii aan lagu dhaqmina ay wax hagaagi karin.

Xildhibaan Daahir waxa uu sheegayaa in ay ku talinayaan in la dhiso Maxkamad Dastuuri ah oo kala xadeysa ama xukun kasoo saarta hadii khilaaf soo kala dhex galo Madaxda ugu sareysa Dalka.

Daahir Xasan Cabdi ayaa sheegay inay sidoo kale ku baaqayaan in qodobada khaladaadka ku jira Dastuurka la saxo si loogu hogaansanaado sharcigaasi.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA ABUUKAATO DAAHIR XASAN CABDI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here