Dhageysiga qudbadaha musharaxiinta madaxweynaha oo soo gaaray fiidnimadan caawa ah

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa wali ka dhageysanayo qaar ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha barnaamijyadooda siyaasadeed.

Dhageysiga qudbadaha oo bilowday galabta ayaa waxaa tan iyo markaasi qudbadahooda soo gudbiyey musharaxiinta kala ah:
1-  Axmed Ismaaciil Samatar
2-  Xuseen Khaliif Jaamac
3-  Max’ed Axmed Saalax

4- Cabdullaahi Axmed Caddow.

Mudanayasha baarlamaanka ayaa u baxay salaadi maqribka, walina waxa ay ku jiraan cunitaanka cashada.

Kulanka baarlamaanka oo gowr dhaw dib u farmayo ayaa waxaa dhageysiga qudbada lagu bilaabi doonaa wasiirki hore ee arrimaha dibada Soomaaliya, Max’ed Cabdullaahi Ow-maar, kadib waxaa xigi doona madaxweyne Sharif Sheekh Axmed, waxaa is raaci doona Ra’isulwasaarayaashi horeC/wali Max’ed Cali Gaas iyo Max’ed Cabdullaahi Max’ed Farmaajo.

Labada musharax ee ugu danbeyn doonto qudbadaha waxa ay kala yihiin Salaad Cali Jeelle iyo Cumar Salaad Cilmi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here