Dhageysiga Dacwada Badda Somalia & Kenya oo saakay dib….

Dacwada BaddaDhageysiga muranka Badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa galinkii dambe ee maanta dib uga billaabatay maxkamadda Caddaaladda ICJ ee magaalada Huage ee dalka Holland.

Kulanka maanta ee maxkamadda ayaa ah dhageysigii labaad ee doodda ay isku difaaceyso dowladda Kenya.

Kenya waxa ay is hortaagtay oo ay wali ku doodeysaa in dacwadda ayasan qaadin maxkamadda Caddaaladda ICJ, taas badalkeedana ay arrintaan kawada hadlaan Soomaaliya iyo Kenya.

Malinta barrito fasax ayaa lagalayaa, waxaana maxkamadda dib la isugu soo laabandoonaa Jimcaha, si loo dhageysto doodda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here