DHAGAYSO:Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo Xaqootiga Somalida Yemen Kasoo Cararay Ay Amaan Darro U Keeni Karaan

Cali Warancade2War kasoo baxay maamulka la magac baxay Somaliland ayaa maanta shaaca ka qaaday in aanay qaabili doonin wixii barito ka dambeeya Soomaalida ka imaanaya dalka Yemen kuwaas oo kasoo cararaya dagaallada ka soconaya dalka Yemen.

Cali Maxamed Waran Cadde oo ah Wasiirka Arimaha gudaha ee maamulka ka magac baxay Somaliland ayaa shir jaraa’id uu  maanta ku qabtay magaalada Hargaysa kaga hadlay in sababta ay ku diidan yihiin dadkaan in ay kusoo dhaweeyaan ay tahay markii ay u waayeen tabar ay dadkaan ku qaabilaan iyo sidoo kale dhanka amniga.

Maamulka Somaliland wuxuu eedeyay hay’adaha caalamiga ee bixiya deeqaha gargaarka kuwaas oo uu ku sheegay inay ka gaabiyeen kaalmeeynta qaxootigii Somalida ee joogay dalka Yemen kuwaas oo kasoo qaxaya dalka Yemen oo xulufada Sacuudiga ay duqeenayaan deegaannada ay joogaan jabhadda Shiicada Xuutiyiinta oo qabsaday dhul ballaaran oo dalka Yemen ah.

HALKAAN KA DHAGAYSO SHIRKA JARAA’ID UU QABTAY CALI WARAN CADDE WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA MAAMULKA LA MAGAC BAXAY SOMALILAND.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here