Dhagayso:Wararkii ugu danbeeyay qalalaasaha Puntland

Ugu yaraan 4 ruux ayaa dhimatay 5 kale oo ay Haween ku jiraana dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii Saakay waabarigii ay is rasaaseyn magaalada Qardho ku dhexmartay shacab Hubeysan oo kasoo horjeeda doorashooyinka Golaha Deegaanka Puntland iyo Ciidamo daacad u ah maamulka Faroole.

Xaalada Magaalooyinka Qardho, Gaalkacyo ayaa Cawada dagan mana jiraan iska hor’imaadyo halkaas kajiro.

Dhinaca kalena, Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Fraoole ayaa ku Dhawaaqay in la Joojiyey Doorashooyinki Golayaasha deeganka oo lagu waday in Maalinta berri ah qabsoomaan.

Dhagayso mid kamid ah dadka Qardho oo ka hadlaya wixii maanta dhacay:

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2013/07/goobjooge-5.mp3″]

Dhinacooda siyaasiyiinta mucaaradka ku ah madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ayaa ka hadlay mowqifkooda ku aaddan dib u dhigista doorashada golayaasha degaanka iyo qalalaasaha ka dhacay magaalada Qardho. General Cabdullaahi Siciid Samatar oo ka mid ah siyaasiyiintaasi ayaa sheegay in Faroole uu ku khasbanaa dib u dhigista doorashooyinka.

Xukuumada FS oo ka hadashay xaalada Puntland:

Muqodisho, July 14, 2013…. Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdon “Saacid” ayaa sheegay in DFS ka xuntahay kana tacsiyaynayso qul-quladihii ka dhacay Puntland.

“DFS waxay daneynaysaa nabadda iyo daganaanshiyaha gobolada Puntland iyo dhamaan Soomaaliya. Waxayna ka xuntahay shaqaaqooyinka iyo geerida dhacday – intii dhimatay Alle ha u naxariisto, dhaawacana Alle ha caafiyo,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa dhanka kale cadeeyay go’aanka dawladda ee ku aadan xalka iyo sida ay dawlad goboleedka Puntland u maaraysay shaqaaqooyinkaas.

“Go’aanka dawlad goboleedka Puntland ee xal doonka ah waa talaabo loo qaaday dhinaca saxda ah,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu asagoo intaas ku daray in DFS ayadoo taageersan horumarinta dhinaca dimuqoraadiyaynta hadana ay tahay in wax walba ku socdaan hab nabadeed iyo rabitaanka shacabiga.

Ugu danabayntii, Ra’iisal Wasaaraha ayaa muujiyay in DFS ay diyaar ula tahay Puntland wax walba oo kaalmaynaya horumarinta dimuqoraadiyaynta dalka iyo rabitaanka shacabiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here