Dhagayso: somaliland mamnuucday gole shalay looga dhawaaqay

Xukuumada Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Gole Siyaasadeed oo shalay lagaga dhawaaqay magaalada Hargaysa kaasoo loogu magac daray “Golaha Toosinta iyo wada tashiga Qaranka”.

Wasiirka arimaha gudaha ee Somaliland Cali Maxamed Waran Cade oo shir jara’id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa warbaahinta u aqriyay qoraal dheer oo uu si guud xooga u saaray sida aan shuruucda Somaliland u ogoleyn Golahaan sharci ahaan, isagoona sheegay in shuruucda Somaliland ay ku cadahay Goloyaal iyo Xisbiyo Siyaasadeed oo loo baneeyay ineey ka qayb galaan siyaasada iyo talada dalka.

Halkaan ka dhagayso Codka wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland:

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2013/07/somaliland-oo.mp3″]

Shalkay ayay ahayd markii magaalada Hargaysa looga dhawaaqay Xisbi Siyaasadeed loogu magac daray “Golaha Toosinta iyo wada tashiga Qaranka”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here