Dhagayso:Maamulka Khaatumo oo dhaleeceeyay Raashinkii ay Puntland Celisay

imagesMaamulka Puntland ayaa Muqdisho dib ugu celisay markab sidey raashin gar-gaar ah oo ka yimid hay’adda bisha cas ee Turkey. Puntland waxay sheegtay in raashinkan qaab sharci darro ah lagu soo diray isla markaana aan lagu soo hagaajin maamulka.

Saleeban Xaaji Maxamed Samatar 9Waji Xaad) oo ah afhayeenka maamulka Khaatumo kuna Sugan Wadanka Maraykanka ayaa Sheegay in markabkii raashinka siday ee ay Puntland dib u celisay uu u socday dad masaakiin ah oo ku kala sugan gobaladda Puntland iyo Khaatumosla markaana ay ahayd nasiib darro in dib loo celiyo.

Afhayeenka ayaa sheegay in maamulka Khaatumo uu yahay maamul gobaleed hoos taga dawlada Federaalka Soomaaliya, ayna xaq u leeyihiin inay qeyb ka helaan deeqda ay hesho dawlada dhexe.

Dhagayso wareysiga Suleymaan Xaaji:

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2013/08/puntland.mp3″]

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here