Dhagayso:Gobolada Dhexe oo Maamul loo sameeynayo

Maamuulada ka jira Gobalada dhexe ee Soomaaliya ayaa isku Maandhaafsan Qorsho ay soo jeediyeen Ururka ahlu suna Wal Jameeca qeybtiisa ku sugan Gobolka Gal Gaduud kaas oo la xiriira in Goboladaas ay yeeshaan maamul guud oo ay ku mideysan Yahiin.

Gudoomiyaha Guud ee Ahlusuna waljamaaca Macalin Maxamuud Shiikh Xasan, oo warfidiyeenka kula hadlay magaalada Dhuusamareeb ee Xaruunta Gobolka Galagaduud ayaa ka warbixiyay ujeedada dhismaha maamul Goboleedkan iyo qorshaha ka danbeeya, waxaana macalinka uu si gaar ah carabka ugu dhuftay in Ahlusuna aysan ahayn koox xagjir ah.

Halkaan ka dhagayso codka Gudoomiyaha Ahlusna:

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2013/07/waljamaaca-2.mp3″]

Gobolada Dhexe ee ay hada Ahlusuna dooneyso ineey maamul u sameyso ayaa waxaa kajira ilaa dhowr maamul oo kala madax bananaan, sidoo kale qaybo kamid ah waxaa wali maamula Al-shabaab.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here