Dhagayso: Sacuudiga oo Abaalmarin Caalami ah siisay Sheekh Soomaaliyeed

Boqortooyada Sacuudiga oo sanad walbo bixiso abaal marinta Caalamiga ah ee Quraanka, ayaa sanadkaan gudoonsiisay Shiekh Soomaaliyeed oo mudo kusoo jiray barista Tajwiidka Quraanka Kariimka.

Sheekh Xuseen Nuur Qalinle oo asaasay Xaruunta Imaam Shaadibi ee barashada Quraanka ee Magaalada Boorama ayaa ku guulaystay abaal marinta caalamiga ah ee Barista quraanka ee dunida islaamka ee sannadkan , waxaana abaal marintaasi lagu guddoonsiiyay Magaalada Jeddah oo lagu qabtay munaasabad caalami ah oo loogu talagalay arrintaasi.

Amiir Khaalid Al Faysal oo matalayay boqorka Sucuudiga ayaa abaal marintaasi bixiyay.

Sheekh Xuseen Nuur ayaa laanta Afka Soomaaliga ee VOAda uga warramay marxaladaha  ay soo martay barashada Tajwiidka Quraanka uu soo maray Somalia, isaga oo tilmaamay inuu arrintaasi gacan wayn ka gaystay Sheekh Cali Suufi oo macalinkiisii ahaa.

Halkaan ka dhagayso wareysiga Shiekha:

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2013/07/shiikh1.mp3″]

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here