Dhagayso wixii kala qabsaday W.amniga & Haweenka G.banaadir

download (2)Wasiirka Amniga Qaranka ayaa shalay Muqdisho kulan kula yeeshay Haweenka ka shaqeeya Degmooyinka Gobolka Banaadir, kulanka ayaa ku saabsanaa sidii ay iskula shaqeyn lahaayeen laamaha Amaanka iyo Haweenka.

Kulanka ayaa sidoo kale, waxaa kasoo qeyb galay Taliyaasha Booliska, Nabadsugida.

Kulankan ayaa qeyb ka ahaa, kulamo is daba joog ahaa oo uu wasiirka Amniga maalmihii u danbeeyay la qaadanayay qeybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Banaadir.’

Kulanka, ayaa dhaliilo waxaa loogu soo jeediyay Laamaha Amaanka, waxaana Haweenkii kulankaas ka qeyb galay ay intooda badan qireen, ineey adagtahay in lala shaqeeyo laamaha Amaanka.

Halkaan ka dhagayso Haweenkii kulankaas ka hadlay:

Dhinaca kale Taliyaasha iyo wasiirka Amniga, ayaa ka jawaabay dhaliilaha ay usoo jeediyeen Haweenka, waxaana goobta ka hadlay Taliyaha Booliska Jeneral Saacid iyo sidoo kale Taliyaha Nabad Sugida Bashiir Goobe.

Halkaan ka dhagayso:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here