Dhagayso: Wasiiro Su’aalo laga weydiiyay Amaanka

132Kulankaan oo ahaa mid looga hadlayey amaanka ayaa waxa xalay su’aalo ku weydiiyeen wasiiro katirsan Xukuumada Somaliya iyadoo kulankaasina uu ahaa mid dood wadaag ahaa.

Qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxay goob joog ka ahaayeen kulankaasi waxaana su’aalaha ugu badan la weydiinayey Wasiirka Amniga qaranka Somaliya Mudane C/kiriim Xuseen Guuleed.

Waxyaabaha lagu dhaliilay hay’adaha Amaanka Qaranka Somaliya inaysan tegin meelaha qaar ee magaalada Muqdisho sida degmooyinka Heliwaa iyo Yaaqshiid waxaase wasiirka amniga Qaranka Mudane Guuleed uu sheegay inay dhaliishooda qaadanayaan.

Waxa uu wasiirka sheegay inay sidoo kale shacabka Muqdisho ku dhaliilayaan inaysan lahayn wada shaqeyn ciidanka si nabad gelyada looga qeyb qaato buu yiri magaaladan Muqdisho.

Wasiirka Arimaha gudaha iyo Federaalka Mudane C/llaahi Goodax Barre oo isna ka hadlay dood wadaagaasi ayaa waxa uu sheegay inay Xukuumadu ka go’an tahay magaalada Muqdisho oo Nabad gelyo noqota isbadal maamulada degmooyinkana lagu sameynayo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here