Dhagayso: Wasiirada oo yeeshay fadhi aan caadi ahayn

Golaha wasiirada cusub oo lagu dhawaaqayo
Golaha wasiirada cusub oo lagu dhawaaqayo

Kulanka golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku yeesheen magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu bilowday galinkii hore ee maanta  waxaana  uu socday ilaa caawa fiidkii, iyadoo looga hadlayay gabi ahaan shirkaasi ammaanka Qaranka Soomaaliya.

Kulanka  waxaa  shir guddoominayay  Ra’isul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed , kulanka oo saacado badan qaatay ayaa looga dooday arrimo ay ugu muhiimsanaayeen weerarkii dhicisoobay oo maleeshiyaadka Al Shabaab  ay ka geysteen dhabarka dambe ee aqalka madaxtooyada Qaranka.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya Jeneral Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa markii uu kulanka   soo gabagabooday kaddib la hadlay warfidiyeennada, isagoo  sheegay  in muhiimadda kulanka uu ahaa ka hadalka amniga, islamarkaana ay ka soo saareen saddex qodob.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay  in golaha wasiirrada ay magacaabeen guddi heer wasiir oo baaritaanno ku sameeya dhacdadii argagaxisanimo ee ka dhacday magaalada Muqdisho iyo in la qaado tallaabo amniga oo deg deg ah.

Halkaan ka dhagayso:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here