Dhagayso: Wareysi dhinacyo badan taabanaya oo lala yeeshay Madaxweynaha

Madaxweyne Xasan Shiikh
Madaxweyne Xasan Shiikh

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo safar ku jooga magaaladan Washington ayaa waraysi khaas ah siiyey idaacadda VOA. Waraysiga waxaa la yeeshay madaxa Idaacadda VOA qaybteeda afka Soomaaliga Cabdiraxmaan Yabarow.

Madaxweynaha ayaa waraysiga ku sheegay inuu mar kale yahay musharrax u taagan doorashada madaxweynenimo ee sannadkan ka dhacaysa Soomaaliya.

Waraysiga ka horna waxa uu madaxweynuhu khudbad ka jeediyay Machadka Nabadda ee Maraykanka ee xaruuntiisa tahay magaaladan Washington DC, madxweynaha ayaa khudbaddiisa kaga hadlay arrimo ay ka midyihiin marxaladda ay Somaliya maanta  marayso, doorashooyinka iyo nabadgaliyada dalka, warbixin arrintaasi ku saabsan waxaa inoo soo koobaya Xuseen Barre.

Hoos ka dhagayso qayb kooban oo ka mid ah waraysiga Madaxweynaha iyo warbixinta ku saabsan khudbadda uu jeediyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here