Dhagayso Warbixin ku saabsan maamulida Hawada Soomaaliya

Bishaan 13keedii ayay ahayd markii magaalada Muqdisho ay kulan ku yeesheen Saraakiil ka socotay QM iyo doowlada Federaalka Soomaaliya, kulankaasoo ku saabsanaa sidii markale 22 sano kadib gacanta doowlada Soomaaliya loogu soo celin lahaa maamulida Hawada Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta iyo Duulimaadka C/laahi Ciil-mooge Xirsi, oo markaas Saxaafada la hadlay, ayaa sheegay  in doowlada Soomaaliya ay bilaawday soo wareejinta maamulka hawada oo dhawaana taas ay dhici doonto.

Hadaba maalin kadib 14kii Bishaan, ayaa waxaa Maamulka Somaliland,uu ku dhawaaqay in si KMG ah uu hawadiisa uga mamnuucay laga bilaabo maalinta bere diyaaradaha hay’ada QM.

Tallaabadan ayay Somaliland qaaday kadib markii ay sheegtay, ineey kasoo horjeedo go’aanka doowlada Federalka Soomaaliya ay kula wareegeyso maamulka hawada Soomaaliya, Somaliland, ayaa sheegtay ineeysan go’aankaas u hogaansami doonin.

Somaliland, ayaa hay’adaha QM u qaabilsan maamulka duulimaadyada hawada Soomaaliya ku eedeeysay, in ay arintaan kala shaqeeynayaan doowlada Soomaaliya.

Wasiirka duulista hawada ee Maamulka Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi oo u waramayay warbaahinta, ayaa sheegay in maamulka Somaliland uu aad iyo aad uga xunyahay heshiiskii ay shalay kala saxiixdeen hay’adaha QM u qaabilsan duulimaadyada hawada iyo doowlada Federaalka Soomaaliya.

Hadaba Muranka ku saabsan maamulida Hawada Soomaaliyaa Halkaan ka dhagasyo: 

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2013/05/jawaabsomaliland.mp3″]

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here