Dhagayso: Siilaanyo oo eedeymo kulul usoo jeediyay Doowlada Soomaaliya

Siilaanyo oo eedeeyay DF
Siilaanyo oo eedeeyay DF

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo ayaa maanta oo Isniin ah (1/11/2016) Dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ku eedeeyay in ay Somaliland ka wadaan arrimo ka dhan ah nabadda iyo wada jirka dadka Somaliland.

Madaxweyne Silaanyo oo maanta khudbad sandeedkii dastuuriga ahayd u jeediyey labada gole ee Wakiilada iyo Guurtida Somaliland, ayaa sheegay “In dowladda Soomaaliya ay soo abaabuleen kooxo khal khal galinaya deganaansha Somaliland”.

Waxa uu sheegay in Somaliland aysan u dul qaadan doonin “In lagu xadgudbo ciideeda iyo calankeeda”, Islamarkaana Somaliland ay tahay dal ka madax banaan Soomaaliya, isaga oo ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay taas ixtiramato.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay inay diyaari u yihiin inay dar-dar geliyaan wada-hadallada u dhaxeeya labada dhinac.

Khudabaddiisa, ayuu Siilaanyo kaga hadlay dhowr arrimo oo kale, oo ay ka mid yihiin siyaasadda arrimaha dibedda, qiimo dhaca shilinka Somaliland, nabad galyada, garsoorka iyo caddaaladda iyo xiisadda ka dhex oogan dalalka Sacuudiga iyo Iran.

1 COMMENT

  1. Siilaanyo = Nin daad qaadey Xunbul cuskay…

    dhismaha Khaatumo state & Awdal, haddi la dhameystiro, kadib….
    Somaliland waxay ogolaan doontaa in ay kamid noqoto maamul goboleedyadda ka jiro Dalka Somaliya..

    Burco & Hargeysa.waa labo magaalo, mana noqon karaan wadan…balse, Soomaliland waa iney ogolaato iney ku biirto, dhinac na ka raacdo Soomalida kale.. iyadoo Maamul goboleed la ictirafsan yahay ah..

    Soomaliya waa mid, waana midoobeysaa iinsha Allah..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here