Dhagayso: Shirka Jowhar oo is-mari waa dartiis u xayiran

Shirka Jowhar
Shirka Jowhar

Magaalada Jowhar waxaa ka taagan is mari waa ku aadan qaabkii loo sii amba qaadi lahaa shirka maamul u samaynta Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan.

Inta badan Ergooyinkii halkaas horay u tegay, ayaa dib ugu noqday halkii ay ka yimaadeen, kadib markii ay ka caroodeen tirooyinkii loo qoondeeyay Beelaha ka qeyb galaya shirka.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta Goboladaasi kasoo jeeda, ayaa wasaarada arr/gudaha ku eedeeyay ineey si aan hufneen u maamuleyso shirka.

Dadkaas waxaa kamid ah Xildhibaan Cali Nuux Xaaji oo isagu ku doodaya, in loo baahanyahay tallada lagu soo celiyo dadka Goboladaasi kasoo jeeda si ay usii amba qaadaan islamarkaasina ay u qeybsadaan awooda.

Halkaan ka dhagayso Xildhibaanka:

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here