Dhagayso: Qaar kamid ah Saraakiishii hore ee CXDS oo ka cabanaya Amar kasoo baxay DFS

Taliska-CID-Muqdisho1Qaar kamid ah qoysaska ku nool Xerarad loo yaqaan “Xero Ruush” ee magaalada Muqdisho, ayaa kacabanaya go’aan ay doowlada ugu gudbisay ineey halkaasi iskaga guuraan.

Xeradan ayaa waxaa ku nool qoysas u badan Ciidankii hore ee XDS, waxaana doowlada Federaalka ay u qabatay in mudo 7 Casho ah ay uga guuraan Saraha Ruushka oo ay ku dhaqnaayeen tan iyo wixii ka danbeeyay bur burkii Xukuumadii dhexe ee Soomaaliya.

Qoysaskan ayaa shegay in amarka lagu soo rogay, uu yahay mid aaneey maleeysan karin islamarkaasna ay dood ka qabaan, qorshaha ku aadan ineey ka guuraan Xerada Ruushka, oo sida ay tilmaamayaan Abaal gud ahaan ugu warejisay Xukuumadii Maxamed Siyaad Barr, ayna haystaan Waraaqo aqoonsi ah uu muujinaya arintaas.

Cismaan Barre Maxamed, oo kamid ah Saraakiishii hore ee Ciidanka XDS, oo VOA wareysi siinayay Saakay, ayaa waxa uu ka waramayaa qaabka ay kusoo dageen saraha Ruushka iyo dhibaatooyinkii ay kala kulmeen mudadii ay halkaasi ku sugnaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here