Dhagayso Punland oo DFS ku eedeeysay dagaalka Kismaayo

War kasoo baxay maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in doowlada Federaalka Soomaaliya ay ka danbeyso dagaal 2dii maalin ee lasoo dhaafay magaalo Xeebeedka Kismaayo ku dhexmaray laba maleeshiyo oo kala taabacsan Axmed Madoobe iyo Iftin Xasan Baasto.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/samad Cali Shire oo maanta soo gaaray magaalada Garowe ee xaruunta maamulka Puntland, kadib safar uu kaga soo laabtay magaalada Qardhow, ayaa sheegay in doowlada Federaalka Soomaaliya ay masuul katahay dagaalada Kismaayo ka dhacayay labadii maalin ee lasoo dhaafay, waxaana uu sheegay in Puntland ay ka tashan doonto xiriirka ay la leedahay doowlada Federaalka Soomaaliya.

“Dagaalka Kismayo ka dhacay mid iska dhacay maaheen ,waxaan aaminsanahay inuu ku yimid abaabul iyo qorshe ay ka danbaysay Dowladda Dhexe ee Federaalka Somalia” ayuu yiri Gen.Shire raaciyay ”DF hadii ay sidaa ku sii socoto oo la baalmaro dastuurka Soomaaliyeed wixii lagu heshiiyay Puntland waxay ka fiirsan doontaa wada shaqaynta ay la leedahay DF”.

Puntland ayaa dhowr mar ku cel celisay ineey garab taagantahay maamulka uu hogaamiyo Axmed Madoobe, kaasoo sheegtay inuu yahay madaxweynaha maamul lamagac baxay Jubaland balse doowlada federaalka ay diiday ineey aqoonsato maamulkaas.

Halkaan ka dhagayso codka madaxweyne ku xigeenka Puntland:

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2013/06/madaxweyne-ku-xigeenkapuntland.mp3″]

Dhawaan ayay ahayd markii shir ay madaxda IGAD ku yeesheen Addis-Ababa lagu go’aamiyay in doowlada Federaalka Soomaaliya ay yeelato masuuliyada maamul u samaynta Jubooyinka, iyo in sidoo kale Muqdisho lagu qabto shir lagu soo dhisayo maamul KMG ah oo Jubooyinka loo samaynayo.

Labadii maalin ee lasoo dhaafay ayaa magaalada Kismaayo waxa kadhacay dagaalo qaraar, kaasoo u dhaxeeyay maleeshiyaad kala tabacsan Axmed Madoobe iyo Iftin Xasan Baasto oo labadoodaba ay sheegteen ineey yihiin madaxweynayaasha Jubaland, waxaana dagaaladaas ku dhintay dad kabadan 20 oo rayid ah tiro intaas kabadana way ku dhaawacmeen.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here