Dhagayso: Odoyaasha Hiiraan oo furaya shir dib u heshiisiin

Odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in shir dib u hishiisiin ka furayaan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, kaasi oo ay ka qeyb galayaan beelaha gobolkaasi.

Waxgaradkan oo saxaafada kula hadlay magaalada Beledweyne ayaa sheegay in magaalada Beledweyne ay ka furi doonaan shir ay u dhan yihiin beelaha gobolka, kaasi oo lagu hishiisiinayo beelaha.

Waxay kaloo sheegeen in 3-da bisha April shirkaasi ay ka furi doonaan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Odayaasha ayaa ka careysan ka qeyb galka shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee laga furay magaalada Jowhar, iyaga oo aan ku qancin qaabka ergada loo qeybiyay.

Qodobo ay hordhigeen waxgaradkaan madaxweynaha Soomaaliya waxaa kamid ahaa in shir dib u hishiisiin dowlada u furto beelaha Hiiraan, laakiin aysan dhicin iney isla gartaan oo iyaga hadda ay go’aankaasi qaateen.

Halkaan ka dhagayso:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here