Dhagayso: M/weynaha oo ka jawaabay warar laga faafiyay

DSC08518Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo goor dhaw la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in booqashada uu ku joogo dalka Turkiga uusan ahayn mid rasmi ah oo ah booqasho uu kula jooga qoyskiisa, isagoo ka hadlay wararka been abuurka ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in wararka been abuurka ah ee lagu qal qal gelinayay xaaladiisa caafimaad ay ka dambeeyaan dad u shaqeeya maleeshiyada xagjirka ah ee Al-Shabaab, isagoo shacabka ka codsaday in aysan dhag jalaq u siinin qorshayaasha ay maleegayaan dhagar qabayaasha.

“Waa cadow umadda Soomaaliyeed ah dadka warka been abuurka ah faafiyay, shacabka waxaan u sheegayaa in dadka wararkaasi ka dambeeya ay yihiin shaqsiyaad u adeega argagixisada Al-Shabaab” ayuu yiri Madaxweynha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu hay’adaha amniga faray inay baaritaan dheeri ah ku sameeyaan dadkii ka dambeeyay wararka been abuurka ah ee lagu waxyeeleynayay xaaladiisa caafimaad.

Halkaan ka dhagayso:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here