Dhagayso: Mooshin xasaasi ah oo loo gudbiyay gudoonka Baarlamaka Federaalka

BF Somalia oo loo gudbiyey mooshin ka dhan ah wasiirka arrimaha gudaha
BF Somalia oo loo gudbiyey mooshin ka dhan ah wasiirka arrimaha gudaha

Waxaa Maanta gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya loo gudbiyay Mooshin ay ku dalbanaya in Baarlamaanka Cusub lagu soo daro beelaha aan Xubin Xildhibaanimo ku lahayn Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ku dhawaad 100 Xildhibaan ayaa Saxiixay mooshinka, waxaana maanta loo gudbiyay Gudoonka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo Wareysi siiyay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay ujeedka ay ka leeyihiin Mooshinkaan.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ay wadaan qorshe ay doonayaan in dib loogu soo daro beelaha Soomaaliyeed ee aan hada Xubin ku lahayn Baarlamaanka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay doonayaan in beelaha xuquuqdooda horay loogu tuntay in si sharci ah hada loogu soo celiyay, lana saxo wixii qalad ah ee horay u dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here