Dhagayso Khudbadda Madaxweyne Xasan Sheekh uu Jeediyay Maanta

Wafdi uu hogaaminayay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud maanta safar shaqo ay ku tageen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbad uu ka jeediyay magaalada Dhuusamareeb kadib markii uu tagay kaga hadlay arrimo badan oo muhiim ah isagoo shaaciyay in caasimadda maamulka gobolada Dhexe ay noqonayso Dhuusamareeb,islamarkaasna gogosha lagu soo dhisayo maamulkaas lagu qabanaayo magaalada Cadaado maalinta sabtida soo aadan oo taariikhda ay ku aadan tahay 11-ka bishan Aprill 2015.

HALKAAN KA DHAGAYSO HADALKA MADAXWEYNAHA SOMALIA XASAN SHEEKH MAXAMUUD UU DHUUSAMAREEB KA JEEDIYAY.

Madaxweynaha ayaa yiri hadalkaan “Horay dowladda waxay go’aan ku gaartay gogosha in Cadaado la dhigo, dad badan ra’yi kala duwan qabeen, waa is qancinay, gogosha waa Cadaado maamulkaa ku soo dhisaneynaa, waxaana rabnaa si rasmi ah u furanto bisha april 11 keeda, maalinta sabtida Cadaado noo balan ah.

Mudane Xasan Sheekh Madaxweynaha somalia ayaa kula dar daarmay ka qeyb galayaasha shirka maamul u sameeynta gobolada dhexe  in dib u heshiinta iyo isqaddarinta beelaha degaanku ay tahay howl u baahan in la joogteeyo oo la sii horumariyo.

 

1 COMMENT

  1. Maasha allah Waa ku mahadsan yahay Madaxweynaha Qaranka Soomaaliyeed iyo Booqashadiisa Goboladda dhexe. runtii Waa mid Taariikhda meel fiican ka geli doonto. waana ugu hambaleyeynaa imaanshihiisa Goboladda dhexe ee Dalka Somaaliya. waxaan sidoo kale madaxweynaha ku dhiiro gelin lahaa inuu kordhiyo booqashadda uu ku tagayo gobolada dhexe, gaar ahan magaalooyinka waaweyn ee goboladda dhexe sida, Wisil, Cadaado, Gaalkacyo, Afbarwaqo, Xaradheere Guriceel,Cabduwaaq, Guriceel iyo Hobyo City.

    Waxaan leeyahay Reer Goboladda dhexe muhiim maaha Maanta inaad waqti badan ku bixisaan Halka ay Caasimadda Noqoneysa, ee Muhiimadda waxaaweeye inaad Si Wanaagsan oo Dimuquraadiyad leh uga faa’ideysataan Fursadda aad Heysataan, Degaanadda Goboladda dhexe-na aad u dhistaan Nidaam ka qeyb qata Horumarinta iyo, Dib-u-dhiska iyo Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxaa is aqlabiyad ah ama cod bixin ah aad mustaqbalka ama 2-sano ee soo socoto ugu magacabi kartaan Magaalo Madaxda Goboladda Dhexe ee Soomaaliya. Hada waa in lagu dadaala in la soo dhameystiro dhamaan lagana qeyb qaato Sameynta Maamulka goboladda dhexe ee Soomaalia. ( Central States of Somalia )

    Shirka Dib u heshiisiinta Umadda, waxaan Rajeynaya inuu Noqdo midkii umaddaan u horseedi lahaa, Degenaasho, Horumar, is Cafin, wax-wada Qabsi, wada noolaasho, Baraawqo iyo Barare Buuxa

    Waad Mahadsan tihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here