Dhagayso: IGAD oo ku kala qeybsan maamul u samaynta Hiiraan & Shabeelaha Dhexe

AfeeyDiplomaasiga Maxamed Maxamuud Nuur Caalim oo wareysi gaar ah siiyay idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arimo dhowr ah oo ay kamid yihiin Talaabadiii Dawlada ay sida kumeel gaarka ah u joojisay Diyaaradihii qaadka ee imaan jiray Soomaaliya weeararda Alshabab ay ka fuliyaan Soomaaliya iyo dagaalada kasoo cusboonaaday bariga Gobolka Mudug iyo arimaha shirka madsha wadatisha ee lagu turxaanbixinayo calwsanaanta kajirta aqalka sare dhismaha maamulka Hiiran iyo Shabelaha dhexe.

Caalim ayaa sheegay in dhaqaalo xumo ay ku keeni karto qoyas badan oo Soomali ah maadama ay ganacsi iyo shaqo abuurba u ahyd taas oo ay saameyn ku yee;lan karto dad badan oo ku ganacsan jiray wuxuuna sheegay in qaadka uu cusbo u yahay dhaq dhaqaaqa nolosha inkastoo hadana sheegay in dhaqalo badan ay ku bixi jirtay.

Caalin ayaa sheegay in IGAD ay markii ugu horeysay ku fashilanto arimaha shirarka Soomaliya madama ay isku keeni weysay dadka kasoo jeeda Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe si ay u dhistaan maamul ay ku mideysan yihiin wuxuuna carabka ku dhuftay in Dawlada ithobiya ay sitoos ah ula safatay qaar kamid ah beelaha reer Hiiran ee diidan shirka Jowhar sida uu hadalka u dhagay.

Diplamaasi Maxamed Nuur Calim ayaa sheegay in Meachal keating uu doonayo in saameyn siyaasadeed uu ku yeesho shirka madasha wadatashiga qaran isgoo u ololeynaya qodobka dumarka in xooga la saaro oo ay madaxda maamul goboledyada ansixiyaan wuxuuna Caalin tilmaamay in beesha caalamka ay xooga saareyso sidii dumarka iyo dhalanyarada kuraasta lagu soo dari laahaa iyo in 6-da Novombar aysan dhaafin doorashooyinka guud ee Dalka.

Caalim ayaa nasiib xumo ku tilmaamay in xilligan ay Xukuumada fadhiid noqoto oo ay ku mashquusho arimo siyaasadeed iyadoo ay jiraan dad kacdoon ku ah siyaasada maamulka Dawlada isagoona sheegay inaysan jirin wada shaqeyn ka dhexeysa Saraakiisha Dagmooyinka Gobolka Banaadir iyo kuwa heerka qaran taasina ay keeni karto in fashil amni uu dhaco xilligan kala guurka ah Alshababna ay joogteeyaan weerarada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here