Dhagayso: Guuleed oo safarka Jawaari ee Dhuusamareeb ku tilmaamay carqalad

Madaxweynaha Galmudug Guuleed
Madaxweynaha Galmudug Guuleed

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikarim Xuseen Guuleed ayaa dhaliilay safar uu maanta gudoomiyaha Baarlamanka Somalia ku tagay magaalada Dhuusamareeb.

Guuleed ayaa safarka Maxamed Cusmaan Jawaari ku tilmaamay mid aan u adeegeyn nabadeynta iyo wadahadaladii u dhaxeeyay maamulkiisa iyo maamulka Ahlu-Sunna.

Safarka Jawari oo ee Dhuusamareeb oo ay ku wehliyaan ku xigeenkiisa labaad iyo 24 mudane oo kale ayaa la xiriira xal u raadinta khilaafka ka dhaxeeya Ahlusuna iyo maamulka Galmudug.

Cabdikarim Xuseen Guuleed ayaa ku tilmaamay safarka Jawaari mid carqalad ku ah guud ahaan dadaalka nabadeynta ee Somalia iyo shirka madasha ee lagu wado inuu dhawaan ka furmo magaalada Kismayo.

Dhagayso eedeynta uu Guuleed usoo jeediyay Jawaari:

1 COMMENT

  1. Mr jawaari waxaa ka daran oo af Labadiis Ciyay ama (  furtay), waa Mr cawad oo aan is leeyahay  masuul baarlamaani ah inuu  sidaasi u hadlo ama qaabkaasi u dhaqmo ay tahay sharaf dhac, FOOL XUMO & MASULIYAD DARO & wax UGUB KU AH DHISIBILIINKA DOWLADNIMO.

    Waa yaabe ma waxaa dhib  ku ah Horumarka & midnimadda shacabka Gal-mudug ? Mise waxa uu rabaa,kuna faraxsan yahay in  gal-mudug state &shacabkeeda  ku sii jiraan Qilaaf & tafaraaruq sabab u noqdo  Horumar la’aan, DOWLAD daciif ah oo kala qeybsan & iney arinta sii ahaato Jug jug aan Meeshaaas kala joogno…Waa yaab !

    Ma waxaa dhibaya wanaaga & waan waanta  & dadaaladda dib u heshiineed ee is garab socda waqti dhowna la doonaayo in lagu soo afjaro qilaafka & kala qeybsananta ka jirta..guud ahaan degaanadda Gal-mudug state of Somalia.

    Mr cawad aad buu ugu fashilmay booqashadii uu magaaladda dhuusomareeb.. mar haddii hadafkiisu ahaa qeybi oo iska horkeen shacabka gal-mudug masuuliyintooda… waxaan leenahay arintaasi waa mid Dhash & Bac ahayd oo dhicisoowdey..!

    Waxa la rabaa, lagama maarmaana ah in Booqashooyinka Noocaani oo kale ah  in fursad loo siiyo ka qeyb galkoodana la dhiiro geliyo Masuuliyiin Soomaaliyeed oo ehel u ah walaaleynta & mideynta shacabka soomaaliyeed ee goboladda dhexe, si loo soo afjaro qilaafka & mugdiga isfaham la’aanta hareereeyay dhuuso mareeb & nawaaxigeeda.

    Gal-mudug & shacabkeedu waqtigaani uma baahna, weligeedna uma baahnaan doonaan Mudane Gaas  la ordaayo & mid  kale oo taraq hoos ku wata. Iney ku kulmaan hal booqosho oo Hagar daamo ah..si ay u qal qal geliyaan jiritaanka & midnimadda shacabka..

    HADDII SHACABKA GAL-MUDUG AYSAN MUUJIN LAHAYN DAREENKOODA Diidmo,  ee ku aadan booqashada JAHWAREER & Jiho cusub ee ah marka lasoo gaabiyo loo yaqaabo HAGARDAAMO HOOSE haddii shacabka & dowlad goboleedka galmudug aysan oran lahayn May….waxaa meesha ka dhici laha waxa loo yaqaano (  dhash, bac & huf wada socda )..taasi oo ah mid qatarteeda WADATO.

    BOoqashooyinka  noocaasi oo kale ah waa in laga feejignaada,laguna deg degin…

    gal-mudug STATE & shacabkeedu uma baahna shaqsi wato GAAS & mid kale oo Taraq la ordaayo.. Meel xal looga baahan yahay, xurguf abuurid waxba kama tarto.. xogxogis boog dhaymo u baahan Xalkaasi in waqti hore laga soo gudbey ayaan u heysanay, ma weli ayay SOOMAALIYA XAASIDNIMADAASI XAADIR KU TAHAY ? YAAAB !

    Ugu dambeyntii & Gunaanad, Mr cawad waa inuu raali gelin buuxdo baarlamaani ah ka bixiyaa gafka & meel ka dhaca uu ku sameeyey jiritaanka,midnimadda & sharafta  Maamul goboleedka Gal-mudug state of Somalia..l

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here