Dhagayso: Gudoomiyaha Sh.hoose oo ka hadlay qoyskii lagu gubay Shalambood

CeeljaalleGudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Adan Cali “Najax”ayaa canbaareeyey dilka 6-da caruurta ah iyo ayeeydood loogu geystey deegaanka Dudumo ee gobolkaas.

Dilkan ka dhacay tuulada Dudumo oo 5km u jirta Shalambood ayaa waxaa gaystay koox dablay ah oo xalay kusoo weerartay gurigooda, kuwaasi oo dadkaasi la dhacay rasaas, sida ay sheegeen dadka tuulada.

Gudoomiyaha ayaa VOA u sheegay in dilkan yahay mid ku salaysan cadaawad qabaa’il, waxana uu intaasi ku daray in marar badan ay isku dayeen sidii ay u qaboojin lahaayeen xiisadda labada beelood u dhaxeysa oo ka taagneyd gobolka Sh/Hoose in muddo ah.

Gudoomiyaha ayaa sheegey in dhowr jeer oo hore lagu guul darreystey gogol nabadeed oo loo fidiyey labadan beelood.

Halkan ka dhagayso:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here