Dhagayso: Gaas oo xaqiijiyay in doorashada 2016 ay dib u dhacday

GaasMadaxweynaha maamul Goboleedka Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas ayaa idaacadda VOA usheegay in dib loo dhigay doorashadii Madaxda Soomaaliya iyo hay’adaha dawlaiga ah ugu yaraan laba bilood oo kale.

Waraysi gaar ah oo uu siiyey idaacadda VOA ayuu ku sheegay in inkastoo aysan madaxdu isla gaadhin heshiis kama dambays ah laakiin uu aamisan yahay in qorshaha doorashooyinka lagu dhammaystiri karo laba bilood.

Gaas ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu ka socdo shirka hoggaamiyayaasha Madasha Qaranka, kaasi oo la filayo in laga soo saaro go’aanno quseeya doorashada.

Halkan ka dhagayso wareysi uu siiyay VOA-da:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here