Dhagayso: Doorashada aqalka sare oo maanta Jowhar ka bilaabaneysa

cosobleDoorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee maamulka Hirshabeelle ayaa Maanta lagu wadaa in ay ka bilaabato magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre ayaa sheegay in maanta ay bilaaban doono Doorashada xildhibaanada Aqalka Sare ee ka imaanaya deegaanada maamulka Hirshabeelle.

Gudoomiyaha ayaa ugu baaqay xildhibaanada in ay soo xaadiraan madaam uu sheegay in maamulka Hirshabeelle uu yahay maamulka ugu dambeeya maamulada hoos taga dowladda Soomaaliya oo aan wali soo gudbin xildhibaanada Aqalka Sare.

Sheekh Cusmaan Barre ayaa sheegay in maanta sidoo kale la dhageysan doono khudbadaha musharaxiinta ka dibna la guda geli doono doorashada xildhibaanada Aqalka Sare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here