Dhagayso: China oo laga helay qabri qof Somali ah oo 100 sano aasnaa

photo_1378955017745-1-HDMagaalo  ku taalla bartamaha dhulka Shiinaha oo lugu magacaabo Jiyo-Jaan, ayaa waxaa ka dhacday arrin filan waa  ku noqotay dadkii maqlay iyo kuwi arkayba kaddib markii Jaamacad halkaasi ku taalla oo dhismaheeda laballaarinayey lagu arkay qabri nin Soomaali ah oo kudhawad 100 sano ka hor halkaasi lagu duugay,sidaa waxaa sheegatay Radio Daljirta-Soomaaliya.

Markii la arkay qabrigaasi, lana akhriyey qoraaladii ku qornaa dhagxaantii daboolka u ahayd qabrigaasi waxaa la xaqiijiyey qofkii halkaasi ku duugnaa in uu ahaa Somali, lana aasay 1916-kii, iyadoo la hakiyey dhimihii Jaamacadda, doodna ka dhalatay sida laga yeelayo.

Mid ka mid ah Ardayda wax ka barata dalkaasi oo lagu Magacaabo Maxamed Cabdi Horeeye, oo la hadlayey raadiyaha  ayaa sheegay innay Qabriga dul-tageen ay ku arkeen erayo Qoran 89-sano.

Wiilkaan Ardayga ah ayaa ka mid ah guddi loo xil saaray innay baaritaano ku sameeyaan Meydka Qofka Soomaaliga ah ee la aasay 1916-kii,kaasoo aasan 89-sanno.

Qabriga waxaa kale oo ku qornaa sidaan:-

Taariikhda la aasay:-1916-kii

Magaca:-Dhoodaan Macalin Axmed

Deegaan:-Berbera Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here