Dhagayso: Cabdi Kaamil & Xalane oo isku haysta ka hadlida Qaraxyada Muqdisho

Afhayeenada wasaarada amniga iyo maamulka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa ka dhex curtay khilaaf xoogan oo ku aadan cidii ka hadli lahayd qaraxyada iyo dilalka ka dhaca magaalada Muqdisho.

Labada afhayeen ayaa mid kasto waxa uu sheeganayaa, inuu isaga xaq u leeyahay qaraxyada iyo dilalka ka dhaca magaalada Muqdisho.

Afhayeenka wasaarada amniga Cabdi Kaami iyo kan maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane, ayaa mid walbo waxa uu wareysi siiyay Idaacadaha Muqdisho, waxaana mid walbo uu ku dooday inuu isaga xaq u leeyahay inuu shacabka uga warbixiyo qaraxyada iyo dhibaatada Muqdisho.

Halkan ka dhagayso labada afhayeen:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here