Dhagayso: Baarlamaanka oo ku kala qaybsamay Hirgalinta sharci cusub

Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay ka dooday sharci qabyo ah oo ay soo gudbisay wasaarada Garsoorka, Xeerka cusub ayaa dalbanaya in wasaarada lagu soo kordhiyo Xafiis Cusub kaasoo ilaalin doono dadka Xaga sharciga ku dulman.

Fadhigaan aan caadiga ahayn oo ahaa kulankiisii 7aad ayay xilibaanadu ku yeesheen Xaruunta Baarlamanka ee magaalada Muqdisho, waxaana kasoo qayb galay Xilibaano tiradooda lagu shegay 142 mudane.

Kulankaan oo uu shir gudoominayay Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamanka Jeeylaani Nuur Iikar, ayaa waxaa si weyn looga dooday maalintii 2aad hindise sharciyeedka “Gardoon”oo  ay soo gudbisay wasaarada Garsoorka, kaasoo ka tarjumaya sidii wasaarada Garsoorka loogu soo biirin lahaa Xafiis Cusub oo madax banaan kaasoo ilaalinaya xuquuqda qofka dulmanaha ah waxaana intii ay dooda socotay muuqanayay in Xilibaanada ay aad ugu kala aragti duwanaayeen, qaarkoodna ayba muujiyeen inaney fahan badan ka haysan waxyaabaha uu qabanayo xafiiskani.

Xilibaan Dalxa oo kamid ah mudanyaaasha Baarlamanka Soomaaliya  oo ka hadlaya sida uu u arko Xafiiska Gardoon, ayaa sidan yiri…”Xafiiskaa Gardoon lagu magacaabay waxaan u arkaa mid jahwareer iyo qal qal in lagu galiyo hay’adaha amaanka loogu tala galay inuu yahay”.

Dhagayso Codka Xilibaan Dalxa:

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2013/07/Dalxa.mp3″]

Dhinaca kale Xilibaan Cabdi Xukun C/laahi oo kamid ah Xilibaanada aaminsan in Xafiiskani uu wax weyn soo kordhinayo ayaa si kooban uga hadlay muhiimada uu u leyahay qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana hadaladiisa kamid ahaa.

“Runtii arintaan aad baa Baarlamaanka maanta uga dooday waana lagu kala aragti duwanaa, anigu waxaan ahaa Xilibaanadii taageeray in Xafiiskani Gardoon uu yahay Hay’ad Muhiim ah dalku u baahayahay Dastuurina ah, Caalamka intiisa badana kajira”.

Dhagayso Codka Xilibaan Cabdi Xukun:

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2013/07/cabdi-xukun.mp3″]

Xilibaanad Maryan Cariif Qaasim oo ah gudoomiyaha Gudiga dib’u eegista Dastuurka ee Baarlamanka oo kamid ahaa Xubnihii shalay sida kulul uga dooday Xafiiska Gardoon, ayaa sheegtay in Baarlamanka dhaxdiisa ay arintaan jahwareer ka dhex abuurtay, Xafiiskana uu yahay mid ku cusub doowladnimada iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

“Xafiiskaan Gardoon ee manta laga doodaayo aad iyo aad ayaa Baarlamaanka uga doodeen, wax uu yahay iyo meel uu ka shaqayn doono iyo meel uu qaabilsanan doono ma la yaqaano waa wax nagu cusub, waa wax dhaqankeena ku cusub, waa wax doowladnimadeena ku cusub ” sidaa waxaa yiri Xilibaanad Maryan Cariif Qaasim.

Dhagayso Codka Xilibaanad Maryan:

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2013/07/maryan-Cariif-Qaasim.mp3″]

Ugu Danbeyntii Xilibaanad Saado Cali Warsame, ayaa Xafiiskan Gardoon ku tilmaamtay mid xiligaan ka shaqeeya Caalamka horumaray ee Cadaalada Ilaaliya balse waxay sheegtay in Soomaaliya waqtigaan uusan ka howlgali karin Xafiiskaan Gardoon.

“Gardoon waa wax lagaga dhaqmo aduunyada Horumartay ee Cadaalada Ilaalisa ee dhowrta Xuquuqda aadanaha ayaa lagaga dhaqmaa, waana waxaynu u baahanahay aaqirka hadii Alle Idmo, laakiin mahan mid maanta inaga noo taala Mudo dheer kadib 30 sano kadib dalkeena wuu qaadan karaa” sidaa waxaa tiri Xilibaanad Saado Cali Warsame islamarkaasna kamid ah Fanaaninta Hobolada Waaberi.

Dhagayso Codka Xilibaanad Saado:

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2013/07/Saado-Cali.mp3″]

Hindise Sharciyeedkaan ku wajahan sidii loo yagleeli lahaa Xafiis Cusub oo lagu magacaabo Gardoon ayaa Baarlamaanka horay ugu soo gudbiyay wasaarada Garsoorka iyo Dastuurka, waxaana shalay ay ahayd maalinkii 2aad oo ay ka doodaan Mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya iyadoona lagu wado in maalinka Sabtida loo qaado Codka Kalsoonida si loo ansixiyo ama dib loogu Celiyo wasaarada Garsoorka iyo Cadaalada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here